Daraasad cusub oo muujinaysa in xayiraadaha fayraaska koroona uu badbaadiyay nolasha malaayiin qof

Xayiraadaha ka dhanka ah fayraaska koroona ayaa waxaa uu badbaadiyay nolasha malaayiin qof guud ahaan caalamka sida ay muujinaysa daraasad cusub.
Sida laga soo xigtay daraasad ay sameysay Kulliyada Imperial ee London, xiritaanka ganacsiyada aan lagama maarmaanka ahayn iyo iskuullada ayaa badbaadiyeen nolasha ilaa 3 milyan oo qof oo ku kala sugan 11 wadan – Austria, Belgium, Boqortooyada Ingiriiska, Denmark, Fransiiska, Jarmalka, Taliyaaniga, Norway, Spain, Sweden iyo Switzerland .
Daraasad tan lamid ah oo laga sameeyay Mareeykanka ayaa lagu sheegay in xayiraadaha dhanka dhaqdhaqaaqa ah ee lagu soo rogay wadamada Shiinaha, Fransiiska, Iiran, Taliyaaniga, Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ay ka hor tageen kiisas dhan 530 milyan oo ah COVID-19.
Balse Hay’aada caafimaadka adduunka ee WHO ayaa Isniintii sheegtay in maadaama fayraska uu ka soo yaraanayo Yurub hadana uu ku sii fidayo qeeybaha kale ee dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here