Darasaad lagu ogaaday in kala bar shacabka Nairobi aynan haysan biyo nadiif ah

Shirkadda darasaadka ee Infotrak ayaa cilmi baaris ay sameysay ku ogaatay in kala bar tirada dadweynaha ee ku nool caasimadda dalka ee Nairobi aynan si joogto ah u helin biyo nadiif ah.
Waxaa warbixinta shirkaddan lagu xusay in boqolkiiba 40 ee shacabka Nairobi ay biyo helaan toddobaadkii hal ama labo mar.
Infotrak waxay sheegtay in caqabaddan ay qayb ka noqon karto sababaha uu u sii faafaya cudurka COVID-19 maadaama tallaabooyinka looga hor tago ay ka mid tahay nadaafadda.
Darasaadka waxaa ku xusan in dhanka kale ugu yaraan boqolkiiba 64 dadka ku nool Mombasa ay sheegeen in ay maalin kasta biyo helaan.
Madaxa cilmi baarista ee Infotrak Walter Nyabudi ayaa hoosta ka xarriiqay in dhibaatooyinka ugu badan ee dhanka biyo la’aanta ay ka jiraan xaafadaha isku raranta ah ee magaala madaxda Kenya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here