Darasaad lagu ogaaday in Kenyaanka ay cudurka COVID19 fududaysanayaan

Shirkadda cilmi baarista ee TIFA ayaa darasaad ay sameysay ku ogaatay in shacabka badankoodu ay hadda fududeysanayaan halista cudurka COVID19 marka la barbardhigo bishii Afaraad ee sannadkan.
Bishii Afaraad waxaa cudurka walaac ka muujiyay boqolkiiba 72 ee dadkii la wareystay halka dareen noocan ah ay hadda muujinayaan boqolkiiba 54.
Sido kale boqolkiiba 54 ee dadka cilmi baaristan ka qeyb galay ayaa rumeysan in weli aan la gaarin xaaladii ugu darnayd ee fayraska.
Boqolkiiba 38 ee dadweynaha su’aalaha la weydiiyay waxay sheegeen in dhibaatadii ugu weynayd ay soo martay oo ay hadda dareemayaan in xaaladda ay sidii caadiga ahayd ku soo noqonayso.
Warbixinta laga soo saaray darasaadka cusub ayaa ku soo aadaysa iyadoo kiisaska coronavirus eel aga xaqiijiyay gudaha wadanka ay kor u dhaafeen 10,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here