Darasaad lagu ogaaday in waalidiinta qaar ay ka walwalayaan in carruurtooda uu ku dhaco cudurka Covid-19

Shirkadda cilmi baarista ee TIFA ayaa darasaad ay sameysay shaaca kaga qaaday in boqolkiiba 70 qoysaska ku nool xaafadaha dakhligooda uu hooseeyo ee ku yaala magaaladatan Nairobi ay ka cabsi qabaan in carruurtooda uu ku dhacdo fayraska coronavirus xilli ardayda fasalladda afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa dhigta fasalka afaraad ee dugsiyada sare ay shalay dib ugu laabteen goobahooda waxbarasho.
Sahankan ayaa laga sameeyay xaafadaha kala ah Huruma, Kibera, Mathare, Korogocho, Mukuru kwa Njenga iyo Kawangware intii u dhaxeysay 24-kii bishii Sebteembar ilaa 2-dii bishaan.
555 qof oo cilmi baaristan ka qeyb galay ayaa jawaabtooda muujineysa walaac ay ka qabaan badqabka carruurtooda.
Heerka walwalka ee haweenka ayaa ah 73 boqolkiiba iyadoo heerka walaaca ragga uu yahay 67 boqolkiiba.
Madaxa fulinta ee TIFA Maggie Ireri ayaa sheegtay ujeedada daraasaddan ay ahayd in la cabbiro heerka wacyigelinta cudurka Covid-19 ee dadka ku nool meelaha dakhligooda uu hooseeyo ee Nairobi, iyo heerka walaacooda.
Ms Ireri ayaa sheegtay in boqolkiiba 44 waalidiinta carruurta leh ay aad uga walwalsan yihiin in carruurtooda iskuulka aadaya inuu uu ku dhaca cudurka iyadoo heerka walaaca ee haweenku uu yahay kan ugu sarreeya ee ah 51 boqolkiiba marka la barbardhigo ragga oo ah 35 boqolkiiba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here