David Murathe oo taageero siyaasadeed u raadinaya Raila

Guddomiye ku xigeenka xisbiga Jubilee David Murathe ayaa shacabka Kenyaanka u sheegay inay u diyaar garoobaan madaxtinimada Raila Odinga sannadka 2022-ka.
Xilli uu xalay waraysi siiyay telefishinka maxalliga ee KTN ayuu Mr. Murathe uu Raila la barbardhigay madaxweynihii hore dalka Konfur Afrika Nelson Mandela kaas oo uu soo ololeeyay xornimada dalkaasi .
Waxaa uu xusay in la joogga waqtigii ay dadka Kenyaanka ee ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ay ku abaalmarin lahaayeen jagada ugu sarreysa.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in Raila uu kaalin weyn ka qaatay horumarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here