Dawladda Libya oo burburisay nidaam-yada difaaca hawada ee cidamada Xaftar

Afhayeenka ciidamada dowlada Liibiya ee ay taageerto Qaramada Midoobay, Maxamed Gonono, ayaa Arbacadii sheegay in ciidamadooda ay weerar ku qaadan maleeshiyada ka amar qaata jeneraal Khalifa Xaftar ee fadhigoodu yahay galbeedka Libya, iyaga oo baabi’iyay dhowr nidaam oo difaaca cirka ah.
Lix ka mid ah nidaamyada difaaca cirka ee Ruushka laga sameeyay ayaa lagu burburiyey meelo kala duwan oo galbeedka Libya ah illaa iyo horraantii Arbacadii, sida uu bayan ku sheegay Mr Gonono.
Dowladda ay taageerto Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ku dhawaaqday inay la wareegtay garoonka weyn ee diyaaradaha ee ay haysteen ciidamada Xaftar , halka ay sido kale gacanta ku dhigeen nidaamka difaaca cirka ee uu Ruushka sameeyay.
Dhanka kale ciidamada janaraal Xaftar ayaa dhankooda sheegay inay weerar ku qaadeen ciidamada dawladda ee ku sugan magaalada Gharyan oo 80 kilomitar kaga beegan Koonfur caasimada Tripoli ayna ku dileen tobonaan kamid ah ciidamada dawladda halka ay burburiyeen 20 kamid ah baabuurta militiriga.
Ciidanka Xaftar iyo kuwa dawladda ayaa dagaallamayay tan iyo bishii Abriil ee sannadkii 2019-kii si ay gacanta ugu dhigaan Tripoli, waxaana ku dhintay boqolaal rayid ah kuna barakacay in ka badan 150,000 oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here