Dawladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geerida Seynab Xaaji Cali Baxsan

Alle Ha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanada Caanka aheyd ee Soomaaliyeed Seynab Xaaji Cali Baxsan oo sanadihii la soo dhaafay ku xanuun saneysay Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah eheladda ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida, iyaga oo sheegay in bilihi ugu dambeeyay uu xanuunkeeda ahaa mid aad u daran ugu dambeena galabta ay geeriyootay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble aaya uga tacsiyadeeyay qoyska iyo ehellada ay ka geeriyootay fanaanadii Caanka aheyd ee Seynab Xaaji Cali Baxsan.
“ Waxaan qoyskeeda iyo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Saynab Xaaji Cali (Baxsan).
AUN marxuumad Baxsan waxa ay kaalin weyn ka soo qaadatay xornimadii dalkaasi Soomaaliya,dhismaha qaranka iyo nooleynta dhaqanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here