Dayax gacmeedkii ugu horreeyay ee Suudaan oo la soo bandhigay

Wararka naga soo gaaray dalka Suudaan ayaa sheegay in dowladdaasi oo kaashanaysa Shiinaha ay soo bandhigtay dayax gacmeedkii ugu horeeyay.
Waxaa arrintan warbaahinta u sheegay golaha ku meel gaarka ee Suudaan.
Dayax gacmeedkan ayaa loo adeegsanaya darasaadka ku saabsan howlaha milatari, dhaqaalaha iyo teknolojiyadda hawada sare.
Madaxa golaha maamulo Suudaan General Cabdel Fattax al-Burhan ayaa sheegay in soo bandhigidda dayax gacmeedka ay wax weyn ugu dhigantahay xukuumadda Khartoum.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here