DCI-da oo baareyso shaqaala been abuur ah oo ka shaqeeya ismamaulka Taita Taveta

Guddomiyaha Maamul goboleedka Taita Taveta Granton Samboja ayaa ugu yeeray waaxda dembi baarista inay baaritaan dhamaystiran ku sameeyaan saraakiisha ka howl gala waaxda qaabilsan shaqaaleysiinta iyo musharadka.
Guddomiye Samboja ayaa xusay in tirade shaqaalaha been abuurka ah ay sii kordhayso isla markana keeneyso in dowlada ay ku bixiso lacagaha aad u tira badan.
Warqad uu u diray waaxda dembi baarista DCI ayuu Samboja ku doonaya inay sida ugu dhakhsiyaha badan ku bilaabaan baritaanaada,Si loo ogaado xubnaha ka dambeeya arrintan.
Baaritanaada ayaa laga soo bilaabi doona sanadkii 2013-ka ila sanadkan 2019-ka.
Guddomiyaha ayaa xusay in ismamulka uusan lahayn liis dhameystiran oo ay ku diiwaan gashanyihiin dhamaan shaqaalaha dowlada taasi oo dhalineysa in shaqaala been abuur ah la helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here