DCI oo baaraysa fadeexad musuqmaasuqa oo laga soo sheegay maamulka caleenta shaaha ee KTDA

Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. George Kinoti ayaa wacad ku maray in baaritaano dhamaystiran lagu sameyn doono eedeymo la xiriira in lacago lagu lunsaday wakaaladda horumarinta caleenta shaaha ee (KTDA).
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo KTDA ay ku dadaalayso in xeerar cusub oo la soo saray uu wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabaco wasiirka wasaaradda beeraha , xoolaha ,kallumeysiga iyo iskaashatada Peter Munya .
Mr. Kinoti ayaa sheegay inay cabasho uga timid beeralayda xiriirka la leh ilaa toddobo warshadood .
Beeralayda ayaa waaxda dambi baarista weydiistay inay dabagal ku sameyso malaayiin shilin oo ay wakaaladda horumarinta caleenta shaaha (KTDA) ku isticmaashay howlo maxkamadeed sannadkii 2019-kii

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here