Deegaan Shabaab ku sugnaayeen oo Ciidanka Jubaland la wareegeen

Ciidanka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa inay la howlgal kula wareegeen degaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.
Degaankaan ayaa ku yaallaa inta u dhaxeysa Magaalada Kismaayo iyo degmada Afmadow ee Jubbada Hoose,waxaana saraakiil Ciidan ay sheegeen in muddo degaankaas uu bar-koontorool oo ay lacagaha ku qaadaan u ahaa Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa sheegay inay howlgalkooda ka bilaabeen degmada Admadow,waxaana saraakiisha Ciidanka Jubbaland ee howlgalka hoggaamineysay Tilmaameen inay Al-Shabaab kala kulmeen iska caabin aan ballaarneyn, islamarkaana deggaanka Janaay Cabdalle ay la wareegeen.
Intii Ciidamada Maamulka Jubaland oo garab ka helaya Ciidamada AMISMO ay howlgalka ka wadeen inta u dhaxeysa degmada Afmadow iyo Magaalada Kismaayo ayaa waxaa duleedka degmada Afmadow ay dagaal kula galeen Al-Shabaab, kadib markii ay weerar jidgal ah kusoo qaadeen.
Wararka laga helayo degaanka deegaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xaaladu ay degan tahay, hayeeshee weli Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay wadaan howlgallo kala duwan.
Howlgalkaan Lagula wareegay degaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu daba socday, kaddib markii shalay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland uu Ciidamada ku amray inay bilaabaan howlgal ka dhan ah dagaalameyaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here