Deegaanada Hirshabeelle oo laga cabsi qabo fatahaada Wabiga

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in shacabka Magaalada Jowhar ay hada wajahayaan Cabsi Xooggan oo la xiriirta inuu wabiga shabeelle ku fataha Magaalada Jowhar iyo deeganada kala eek u dhow dhow.
Dadka ku nool xaafada Horseed ee magaalada Jowhar Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa cabsida ugu badan ka muujinaya inuu ku fataho wabiga Shabeelle, in kastoo si guud cabsida laga qabo fatahaada wabiga ay ka jirto guud ahaan deegaanada Hir-Shabeelle intooda uu webigu maro.
Saacadihii u dambeeyay Jowhar iyo magaalooyin kale ee uu wabigu maro waxaa ka da’ay roobka Guga, waxayna dadku bilaabeen inay Jawaano caro lagu shubay gidaar uga dhigaan biyaha wabiga, si fatahaadiisa ay uga badbaadaan.
Mas’uuliyiin uu ka mid ah yahay wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Bashiir Daqare ayaa ka qeyb galay dadaalka ay dadka deegaanku uga gaagaamanayaan fatahada wabiga ee baqdinta laga qabo madaama uu curtay roobkii Guga inta badana xiligaan oo kale Wabiyada Soomaaliya Fatahaado sameeyaan.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah, si looga badbaado khatarta ka dhalan karta hadii uu fatahaad sameeyo wabiga Shabeelle.
Wuxuu Tilmaamay in Laga soo bilaabo deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan illaa degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe laga cabsi qabo inuu Wabigu karkaarada jabsado,dhulka ay cabsidu ka jirto ayuu ku sheegay inuu gaarayo ilaa 59-meyl, ayadoo dhanka kalena aysan jirin hey’ado u diyaarsan inay si deg deg ah uga fal cilyaan dhibaatada laga cabsi qabo
Deegaanada Maamulka Hir-Shabeelle oo intooda wabigu maro, gaar ahaan xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa lagu xasuustaa sameyntii uu ku yeeshay wabiga Shabeelle oo si daran ugu fatahay deyrtii lasoo dhaafay Kumanaan qoysas ahna ay guryahooda isaga barakaceen kadib markii ay biyo xad dhaaf ah ugu soo galeen howgooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here