Deegaanka Ceeldaas ee Wajeer oo geedo lagu abuurayo

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku sheegay in dhawaan ay geedo ku abuurayaan deegaankaasi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tobaneeyo sano ay ahayd in arrintan la sameeyo balse hadda ay tahay fursadda labaad.
Mudanaha ayaa intaasi ku daray in si loo sii wado barnaamij lagu muujinayo bilicda deegaanka iyadoo laga faaiidaysanaya roobabka da’ay in saddex maalmood geeda abuur la sameynayo.
Waxaa howshaasi la billaabaya khamiista oo ay taariikhdu tahay 7-da bishan ilaa sabtida 9-ka bishan 11-aad.
Qof walba oo deegaankaasi ku nool ayaa lagu booriyay inuu ugu yaraan hal geed ah abuuro.
Sido kale shacabka ayaa sabtida fursad u heli doono inay madaxda kulan la qaataan oo ay gudbiyaan arrimaha dhanka horumarka ee ay tabanayaan iyo aragtidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here