Deegaano ka tirsan Koonfurta Wajeer oo ayaxa laga buufinayo

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Koonfurta Wajeer ayaa sheegaya in maanta la buufin doono ayax lagu arkay meelo ay ka mid yihiin degmooyinka Dilmaanyaaleey iyo Abakoorey.
Shalay ayay ahayd markii dowladda dhexe ay sheegtay inay sii laba laabtay dadaalkeeda ku aaddan wax ka qabashada ayaxa lagu arkay deegaano ka tirsan ismaamullada Mandera iyo Wajeer ee gobolka Waqooyi bari.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in buufinta dhanka hawada ee ayaxa ay suurtagelisay in la buufiyo meelo la asteeyay oo ka tirsan ismaamulka Wajeer.
Mr.Oguna ayaa xaqiijiyay in kooxo dowlad deegaanadan ku sugan ay sii wadayaan inay xaaladda si dhow ula socdaan.
Sido kale waxaa wacyigelin loo sameynayaa bulshada oo wax laga fahansiinayo cayayaankan xaalufiya dhirta iyo daaqa.
Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in howshan laga billaabay Wajeer oo loo sii gudbi doono Mandera iyo Marsabit .
Dagaalka dhanka cirka ee Ayaxa lagu qaaday ayuu afhayeenka dowladda sheegay in looga gol leeyahay in cayayaankan looga takalusay sido kalena dhaqdhaqaaqiisa lagu xakameeyo.
Sido kale qoraalkii ugu dambeeyay ee Oguna ayaa muujinaya in ayaxa lagu arkay qeybo ka mid ah ismaamulka Garissa sidaas awgeedna qorshaha lagu daray.
Cyrus Oguna waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay diyaarado u adeegsan doonto in la buufiyo ayaxa si uunan deegaanada kale ee dalka ugu sii fidin.
Waxaa uu sido kale shacabka u xaqiijiyay in dowladda ay xaaladda si buuxda u xakameynayso sidaasi awgeedna aynan jirin wax sabab ah oo walaac ku beeri karto.
Afhayeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda ay si dhow ula socoto ayaxa iyo meelaha uu u wareegaya ama uu ku wajahan yahay si looga hor tago inuu ku sii faafo deegaanada kale ee dalka.
Mr. Oguna ayaa xusay in maadaama xaaladda la xakameeyay in dadweynaha laga doonayo inay howlahoodi caadiga ahaa ay sii wataan oo ayna carruurta dugsiyada geeyaan.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo lagu wargeliyay xaaladda taagan ayaa amar ku bixiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto.
Maalinkii sabtida ayay ahayd markii xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ee magaaladatani Nairobi lagu qabtay kulan lagu eegeyay sida loo dhaqangeliyay amarka madaxweyne Uhuru.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta maamullada kala duwan ee dowladda iyo xubnaha guddiga bariga Afrika u qaabilsan wax ka qabashada ayaxa.
Sido kale waxaa uu afhayeenka dowladda dhexe sheegay in ismaamullada ayaxa lagu arkay ee ay cabashadu ka soo yeertay in la geeyay 3000 oo liitar oo kiimiko ama daawada lagula dagaalamayo ah.
Madaxa wasaaradda beeraha ee dalka u qaabilsan ilaalinta dhirta David Mwangi ayaa dhankiisa xusay in daawada ayaxa lagu buufinayo ay tahay mid baaritano lagu sameeyay oo la ansaxiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in daawaan loogu tala galay xakameynta ayaxa sidaasi awadeedna aynan wax saameyn ah ka dhalanayn adeegsigeeda hadii qaabka habboon la raaco.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxda siyaasadeed ee ismaamulka Wajeer , waxgaradka iyo shacabka dowlad deegaankaas iyo sido kale Mandera ay dowladda ugu baaqeen inay tallaabo degdeg ah qaaddo.
Hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa horay uga digtay in ayaxa oo saameyn ku yeeshay qeybo ka mid ah dalalka Itoobiya iyo soomaaliya uu ku sii fidi karo wadamada kale ee bariga Afrika.
18-kii bishii Diseembar ee sannadkii hore ayay ahayd markii FAO ay sheegtay in ayax uu saameyn doono dalalka geeska Afrika.
Bayaan ay shabakadeeda soo dhigtay ayay FAO ku sheegtay in xaaladda ay ka sii dari karto haddii maamullada qaran aynan wax ka qaban waxayna intaas ku dartay in ayaxa uu sare u sii kici karo ama sii badan karo bishan Jannaayo dabayaaqadeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here