Deegaano ka tirsan Shabeelada Hoose oo dagaalo ay ka dhaceen

Wararka ka imaanayo deegaano kala duwan oo hoos yimaada gobolka shabeelada Hoose ee Konfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya inay xalay halkaas ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab.
Dagaaladaan ayaa ka kala dhacay degaannada Awdhegele iyo Bariire ee shabeelada Hoose kadib markii Saldhigyada Ciidamada Dowladda ee halkaas ku yaala ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab,waxaana deegaannadaasi ka dhacay dagaalo xoogan oo mudo socday sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya baahisay.
Dadka ku nool degaannada Awdhegele iyo Bariire ayaa warbaahinta u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac ee Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab,hayeeshee aan la cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa waxaay sheegeen inay iska difaaceen weeraradii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno degaannada Awdhegele iyo Bariire ee gobolka shabeelada Hoose ayaa waxaay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay howlgallo kala duwanka wadaan duleedka deegaannadaas.
Dhanka kale Taliska Guutada 15aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya Taliska Qaybta 27aad ayaa ku guuleestay inay kala qaadaan maleeshiyaadkii dhawaan ku dagaalamay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka hiiraan.
Taliyaha Guutada 15aad Janeraal Mascuud maxamed oo hoggaaminayey saraakiisha iyo Ciidamada Guutadaas ee halkaas Gaaray ayaa maalintii shanaad ku hoyanaya deegaanada hoowdka ah ee lagu dagaalamay si xal looga gaaro dagaal beeleedkii halkaasi ku soo noqnoqday
Sidoo kale deegaananda Mirijibaaley,Ceyrdaye iyo Miiracad oo hoostaga degmada Maxaas ayaa waxaa ku sugan saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
War kasoo baxay Taliska Guutada 15aad ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ay guud ahaan xaqiijiyeen amniga deegaannada lagu dagaalamay,isla markaana ay kala qaadeen labadii maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay bilaawdaan shirar looga hadlayo xal kagaarista colaada sokeeye oo aagaas ku dhex maray dadka wada daga gobolada Hiiraan & Galgaduud ee Bartamaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here