Deeq bixiyaasha caalamiga oo 600 oo milyan oo doolar u ballanqaaday Rohingya

Deeq bixiyaasha caalamiga gaar ahaan hay’adaha qaabilsan arrimaha gargaarka ayaa sheegay inay lacag dhan 600 oo milyan oo doolar ku taagerayaan qaxootiga bulshada Rohingya ee dalka Myanmar.
Lacagatan ayaa waxaa ka faa’iidaysan doono boqolaal kun oo qof.
In ka badan 750 ,000 oo ka mid ah Rohingya ayaa qaxooti ku ah dalka Bangladesh kaddib markii 2017-kii ay ku barakaceen howlgallo militari oo ciidamada Myanmar ay ka fuliyeen gobolka Rakhine.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here