DEG DEG:-Qarax xoogan oo goordhay ka dhacay magaalada muqdsho(Daawo Saawiro).

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo si aad ah looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah degmooyinka gobalka banaadir.

qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4, waxaana la arkayay qiic iyo uuro cirka isku shareeray.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa uuna ka dhacay nawaaxiga goob ciidamada amniga ku baaraan gaadiidka aada garoonka diyaaradaha ee aadan cade.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa goobta gaaray, waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here