DEGDEG: Joe Biden oo noqday madaxweynihii 46 aad ee Mareykanka

Madaxweyne ku-xigeenka hore oo ka soo jeeda xisbiga Dimuqoraadiga ayaa ka guuleystay Donald J Trump, oo ah madaxweynaha talada hayay 4 sano ee la soo dhaafay. Waxa uu helay codad ka badan 280 oo ah ‘Ergada Doorashada’ ama Electoral College – oo uu u baahnaa 270.

Sooyaal kooban oo ku saabsan Biden

Joseph Robinette Biden oo loo yaqaanno Joe Biden, waxa uu 20 ka bishii November, 1942 kii, ku dhashay gobolka Pennsylvania. Aabihii waxa uu ahaa ganacsade. Isagoo yar ayey qoyskiisu u guureen, Welmington, Delaware.

Biden, waa garyaqaan, qoraa iyo siyaasi. Waxa uu sannadkii 1972 kii, ka mid noqday aqalka ‘guurtida’ ama Senetka, isagoo 29 sano jir ah. Md; Biden, ayaa soo noqday madaxweyne ku-xigeen intii u dhaxeysay 2009 iyo 2017. Waxaana markii uu xafiiska banneeyay uu bishii April ee sannadkaas, uu bare ka noqday jaamacadda University of Pennsylvania.

Madaxweynaha dooran ayaa waxa uu wajahayaa kala qeybsanaan ka jirta Mareykanka iyo adduunka, isagoo laga sugayo in uu wadaxaajood iyo waan-waan la yimaado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here