Degmada Beled-Xaawo oo saaka degan

Xaalad deganaasho ah ayaa laga dareemayaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo,halkaasoo shalay uu dagaal saacado badan qaatay ku dhexmaray Ciidamada dowladda ay dhawaan geysay degmadaas iyo kuwa Maamulka Jubbaland.
Dagaalkii shalay ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan inay ku geeriyoodeen 5 Ruux oo labada dhinac ee dagaalamay ah halka 15 Ruux oo Shacab u badan ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo la geeyey Isbitaalka degmada Doolow.
Sidoo kale intii uu dagaalka socdey ayaa waxaa tiro madaafiic ah ay ku dhaceen Xaafado ka tirsan degmada Beled-Xaawo,waxaana dad ku sugan degmadaas ay Risaala u sheegeen in madaafiicda ay ku gubteen dhowr Guri oo dadkii deganaa ay ka barakaceen.
Dadka degmada ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in saaka ay dareemayaan xoogaa xasilooni ah,hayeeshee ay weli dareemayaan cabsi,waxaana Gudaha degmada Beled-Xaawo iyo deegaanada dhanka xaduudka ah lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo qeybna ka ahaa dagaalka ayaa Guulo ka sheegtay,halka Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Eng, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamad uu sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid dhinaca Dowladda.
Dhanka kale Dowladda Mareykanka ayaa Caawa waxaa ay War kasoo saartey dagaalkii cuslaa ee Maanta duleedka Beled-Xaawo ku dhex-marey Ciidanka Dowladda dhawaan geysay degmadaas iyo kuwa Maamulka Jubbaland,kaas oo dhaliyey khasaaro kala duwan.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamay Beled-Xaawo inay dagaalka joojiyaan wax walbana ku dhameeyaan
Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ugu baaqay Hogaamiyaasha dhamaan inay muujiyaan dulqaad,kaas oo ay dan ugu jirto ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka.
Dagaalkii Maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera ayaa waxaa guulo ka kala sheegtay Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland,walow Caawa xaaladda degan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here