Degmada Diinsoor oo maamul cusub loo Magacaabay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Diinsoor ee Gobolka Baay,isagoo Guddoomiye Cusub u Magacaabey degmadaasi.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow, waxaana xilkaas loo Magacaabay Cabdisalaan Xaaji Siidow.
Sidoo kale waxaa Guddoomiye kuxigeenka Amniga ee degmada Diinsoor loo Magacaabey Aweys Cali Siidow halka kuxigeenka Arrimaha Bulshada loo Magacaabey Abshir Macalin Sharif.
Mas’uuliyiinta Cusub ee loo Magacaabey maamulka degmada Diinsoor ayaa waxaa la faray inay si huufan u gutaan Shaqadooda,isla markaana wada Shaqeyn la yeeshaan Shacabka magaaladaasi ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here