Degmo hoos tagto Lafey oo xalay weerar lagu qaaday

Wararka naga soo gaaraya degmada Waranqara ee deegaan baarlamaneedka Lafey ismaamulka Mandera ayaa sheegaya in xalay abaare 2-dii habeenimo ay dabley aan weli heybtooda la garan weerar ka gaysteen halkaas.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal qof iyo mid kale oo dhaawacmay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxda weerarka soo qaadday ay bartilmaameedsadeen qalabka isgaarsiinta ee shirkadda safaricom ee degmadaas.
Ciidamada keydka ee halkaas ku sugan ayaa iska caabin sameeyay waxaana howlgalkaas ku geeriyooday hal askari halka wiil dhalinyaro oo ka mid ah shacabka ku nool Waranqara uu dhaawacmay kaddib markii ay haleeshay xabad wiifto ah.
Wixii faahfaahin dheeraad oo qodobkan ku soo kordha wararka dambe ayaad ku maqli doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here