Dekadda Lamu oo xariga laga jaraya bisha Oktoobar

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in qeybta koobaad ee dekadda cusub ee ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta si rasmi ah loo furi doono bisha tobnaad ee sannadkan.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale sheegay inuu u riyaaqay howlaha dhismaha ee halkaasi ka socdo.
Waxaa uu sido kale xusay in mashruucaasi oo ah mid ballaaran uu dhalinyaro badan oo Kenyaan ah shaqa abuur u sameyn doono.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale xusay inuu jiro qorsho ku aaddan in la dhiso marin shidaal oo isku xiraya Turkana ilaa Lamu.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu dowlad deegaanka Mombasa xariga uga jaray shidaal laga soo saaray gudaha wadanka oo markii ugu horreysay loo iibgeynayo dibadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here