Deni oo sheegay inay doonayaan wada hadalo dhexmara madaxda qaranka iyo kuwa maamulada.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulalahi Deni ayaa sheegay in xalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ee xilligaan uu u arko in Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa gobolada ay isugu yimaadaan madal qaran oo ay ku wada hadlaan.
Waxaa uu sheegay Deni in mar walba xalka Soomaaliya uu yahay wada-hadal,maamulka uu hogaaminayana uu diyaar u yahay inay u dhigto Gogol ay ku wada hadlaan dhamaan masuuliyiinta Soomaalida.
Madaxweynaah maamulka Puntland Saciid C/laahi Denii arin muhiim ah ku tilmaamay in hogaanka maamulad aiyo madaxda qaranka Soomaaliya ay ka tashadaan aayaha dalka qodobada muhiimka u ah sida amniga,qabyo tirkaDastuurka,qeybsiga kheyraadka,doorashooyinka qaranka iyo deeqaha Caalamiga ah.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha maamulka Puntland ka sheegay munaasabad lagu qabtay Magaalada garowe oo loogu dabaal degayay sanad-guuradii 1aad ee ka soo wareegtay markii loo doortay Madaxweynaha maamulka Puntland 8 bishii Janaayo ee sandkii 2019-kii hada ina dhaafay.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka hadlay waxa aan ilaa iyo hada dilkii lagu xukumay loogu ridin ragii ka danbeeyay dilkii iyo kufsigii Casho ilyaas,isagoo sheegay inuusan xafiiskiisu wax door ah ku lahayn oo ay maxkamadu u madax banana tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here