Denmark oo safaarad ka furanaysa Baghdad

Dowladda Denmark ayaa maanta oo khamiis ah sheegtay inay qorsheynayso inay safaarad ka furato caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda ISIS iyo xasilinta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Denmark Jeppe Kofod ayaa arrinkan shaaca kaga qaaday bayaan uu soo saaray.
Sido kale waxay safaaradda kaalin ka qaadan doontaa xoojinta wada-hahadallada kala dhexeya Ciraaq ee dhanka socdaalka, ka hor tagga falalka argagixiso iyo maxkamadeynta dadka gaysta dembiyada lala xiriiriyo ISIS.
Dhanka kale waxaa uu qorshuhu yahay in dowladda Denmark ay hoggaanka tababarrada gaashaanbuurta NATO ee Ciraaq ay kala wareegto Canada dhammaadka sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here