Dennis Itumbi oo xabsiga ku sii jiraya

Waxaa muddo 5 maalmood ah xabsiga ku sii jiraya Dennis Itumbi oo ka howlgalo xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka oo lala xariiriyay warqad dhawaan soo baxday oo muran dhalisay .
Warqadaasi oo lagu tilmaamay mid been abuur ah ayaa lagu sheegay inuu jiro qorsho ku aaddan in la dilo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Ciidamada dambi baarista ee dalka ayaa shalay maxkamadda ka codsaday inay u ogolaato in eedeysanaha ay xabsiga ku sii hayaan inta laga soo gabagabeynayo baaritaanada.
Saraakiisha ayaa ku dadaalaya in la ogaado halka ay ka timid iyo cidii qortay warqadda lagu sheegay in qaar ka mid ah wasiirada dalka ay Nairobi ku kulmeen si ay u qorsheeyaan in Ruto laga takhaluso.
Arrintan ayaa xasaasiyad gaar ah ka dhex abuurtay dalka iyadoo siyaasiyiinta ay ku kala qeybsameen.
Waxaa jiro qaar ka mid ah madaxda la soo doortay oo shirqoolka la sheegay ku tilmaamay mid Kenyaanka looga mashquulinayo dagaalka ay dowladdu kula jirto musuqmaasuqa.
Sido kale qaar ka mid ah madaxda dalka ayaa dalbaday in baaritaano qoto dheer oo arrinkan ku saabsan la sameeyo si xaqiiqda loo ogaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here