Derbi uu dhisayo Trump oo saameynaya in ka badan 120 mashaariic ah

Qaar ka mid ah saraakiisha dalka Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 120 mashaariic ah laga cabsi qabo inay saameyn ka soo gaarto derbiga maamulka madaxweyne Donald Trump uu doonayo inuu ka dhiso xadka wadankaasi uu la wadaago Mexico.
Mashaariicdan ayaa ah kuwo la xariira gaashaandhigga maadaama waaxda difaaca ee dalkaasi ay lacag dhan 3.6 bilyan oo doolar u qoondeysay dhisidda gidaar dheerarkiisu yahay 282 kiilomitir.
Horraantii sannadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.
Waxaa uu go’aankaasi uga gol lahaa inuu dhaqaale u helo mashruuca dhisidda derbigan ee uu ballanqaaday xilligii uu ku guda jiray ololihii doorashadii guud ee uu ku soo baxay.
Trump ayaa marar badan sheegay inay khasab tahay in la dhiso gidaar lagu xakameynayo socdaalka sharci darrada ee kaga yimaada dhanka wadanka dariska la ah ee Mexico.
Ku xigeenka xoghayaha arrimaha gaashaandhigga ee Maraykanka Elaine McCusker ayaa sheegay in mashruuca Trump la billaabayo boqol maalmood gudahood.
Xadka kala qeybiya labada dal ee Maraykanka iyo Mexico ayaa wadaa hadda ku sugan ciidamo ilaalo ah oo ay tiradoodu kor u dhaafeyso 4,500 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here