DFS oo ka Warbixisey xaalada Soomaalida ku nool dal uu Cudur ka dilaacey

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa sheegay in magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ay ku nool yihiin ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan arday wax ka barata shan Jaamacadood
Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa intaas ku daray in dhamaan muwaadiniintaas ilaa iyo hada ay caafimaad qabaan ayna tilmaamo caafimaad ka helaan hay’adaha caafimaadka ee virus-kan Koronavirus la tacaalaya, sidoo kalena xariir lasoo sameeyaan safaaradooda oo xili walba diyaar ula ah in ay caawiso.
Safiir Cawaale ayaa ugu baaqay muwaadiniintaas in ay qaataan talooyinka caafimaad ay bixinayaan hay’adaha si cudurkaas inuu sii faao loo xakameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here