Dhaawaca Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Xubno kale oo dibada loo qaadayo

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in Caafimaad dibada ah loo qaado Dhaawaca Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magalada muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Xubno kale oo ku dhaawacmay qarixii shalay Gelinkii dambe ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose.

Guddoomiye Yariisow ayaa xalay la sheegay in laba jeer uu qaliin ku maray Isbitaalka Urdugan Ex Digfeer,waxaana la sheegay in dhaawiciisa uu yahay mid culus,isla markaana dhaqaatiirta Isbitaalka ay la tacaalayaan.

Diyaarad ka timid dalka Qatar ayaa sakay soo gaartay Magaalada Muqdisho taas oo la filayo inay Muqdisho ka qaado dhaawaca Duqa Muqdisho iyo Xubno kale oo ay ka mid tahay Guddoomiyaha degmada Wartanadab Seynab Xaabseey.

Weli waxaa socda baaritaano ku aadan sida Xarunta Gobolka Banaadir oo ka mid ah Goobaha siweyn loo ilaaliyo oo ay Madaxda Dowladda ku sugan yihiin uu qaraxa uga dhacay, iyada oo mas’uuliyada qaraxa ay sheegteen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here