Dhaawacyadii Turkiga oo la qaadayo

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saakay soo gaartay diyaarad ka timid dalka turkiga,oo la doonayo inay qaado dhaawacyada Shaqaalihii Turkiga ee qaraxa lagula beegsaday afaafka hore ee Magaalada Afgooye.
Dhaawacyada oo gaarayay lix ruux ayaa waxaa maalmahaan xaaladooda caafimaad lagu baxnaaninayey Isbitaalka Urgugaan Ex-Digfeer ee Magaalada Muqdisho,waxaana sidoo kale lala qaadey askar ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la dhaawacantay.
Shaqaalaha Turkiga ee u Shaqeynayey shirkadda dhiseysa Wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye ayaa waxaa 18-kii Bishaan qarax ismiidaamin ah lagula beegsadey Bar koontarool oo ku taalla Degmada Afgooye,waxaana qaraxaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqdey askar iyo dad Shacab ah oo goobta ku sugnaa.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa habeen ka hor waxaa uu Isbitaalka Urdugaan ku booqdey dhaawacyada Injineerada iyo askarta,waxaana uu sidoo kale la kulmay Madaxda Shirkadda Enez, Seracettin Aksun oo ah tan dhiseysa Wadada Muqdisho & Afgooye,isagoo u balan qaadey in amnigooda la sugi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here