DHAGEYSO:Soomaaliya oo sheegtay in ay lacag u qoondeysay la tacaalida COVID-19

Ra’iisul Wasaaaraha Jamahuuriyadda Federaalka soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaallada ay dowladda soomaaliya waddo ee lagu karantiilayo shakhsiyaadka lagu arko caabuqa Coronavirus isagoo bulshada ugu baaqay inay isdejiyaan oo ayna raacaan tilmaamaha hay’adaha dowladda ee ku howlan howshan.

Sidoo kale ra’iisul Wasaaraha aya ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo maanta, iyada oo ay xirnaan doonaan muddo 15 maalin ah, si looga hortago faafidda caabuqa COVID-19.
Waxaa uu muwaadiniinta faray in la joojiyo kulamada iyo isku soo baxyada waaweyn.
Xassan Cali Kheyre ayaa dhanka kale shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay 5 Milyan oo doollarka mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda cudurka uu sababo caabuqa Coronavirus ee COVID- 19 oo ayna wada hadalo kula jirto hay’adaha lacagaha adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here