DHAGAEYSO:Wabiga shabeelle oo deegaanno kala duwan ku fatahay

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle uu markale fatahaad ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolkaasi Shabeellaha Dhexe,waxaana uu sababay barakaca boqolaal qoy ah oo halkaasi ku noolaa.
Degaannada uu wabiga ka fatahay ayaa waxaa kamid ah,Tuulooyinka Buulo Abtow, Wargaab,Buulo Bohol iyo tuulooyin kale,waxaana fatahaaduhu ay baabi’iyeen dalagyadii beeraha iyo Guryo dhowr ah oo ku yaalla tuulooyinkaas.
Qaar kamid ah dad ku go’doonsan tuulooyinka uu wabiga ka fatahay ee gobolka shabeelada dhexe ayaa sheegay inaysan wali helin wax gurmad ,isla markaana dhibaatooyin kala duwan ay heystaan,waxaana ay dalbadeen in gurmad la soo gaarsiiyo.

Tuulooyinka uu Wabiga Shabeelle ku fatahay ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda Maamulka degmada Balcad,waxaana ay sheegeen inay ka Shaqeynayaan sidii dadkaasi uu Wabiga ku fatahay ay u badbaadin lahaayeen.
Wabiga Shabeelle ayaa horay waxaa uu fatahaad uga geystay degaano ka tirsan gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe,waxaana fatahaadahaas ay sababeen inay baaba’aan dalagyo farabadan oo horay loo beertay iyo barakaca kumanaan qoys oo deegaanadaas ku noolaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here