Dhagaysiga khudbadaha gudoonka Baarlamaanka Galmudug oo bilaabatay.

Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda maamul goboleedka Galmudug waxaa ka bilaawdey dhageysiga khudbadaha musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoonka Baarlamanka Labaad ee maamulkaas.

Arbacadii shalay ayaa la soo gabagabeeyay qabashada Araajida musharaxiinta ,waxaaNa Musharixiinta is diiwaangeliyey ee u tartami doona xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo gaaraya Ilaa 7 Xubnood,ay maanta guda galeen Jeedinta khudbadahooda musharaxnimo.

Saddex musharax ayaa waxaa ay u taagan yihiin qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug,kuwaasoo kala ah Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal,Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan & xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxaa u taagan Afar Musharax oo ay kamid yihiin Faadumo Cabdi Faandhe & guddoomiye kuxigeenkii hore ee labaad Maxamed Sheekh Axmed Maalin.

Halka gabadh ee ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka GalmudugĀ  Faatuma Cabdi Faandhe ayaa sheegtay inay Rajo weyn ka qabto inay codka Kalsoonida ka helayso xildhibaanada maamulka Galmudug si ay ugu adeegto bulshada deegaanka Sidoo kale mid ka mid ah shaqsiyaadka u taagan xilka gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee maamulka Galmudug ayaa isna ka hadlay rajadiisa.

 

Xildhibaanada Farxiyo oo ka mid ah gudiga doorashada Gudoonka baarlamaanka maamulka Galmuudg ayaa sheegtay inay dhankasta ka diyaarinayaan arimaha doorashada maadaama ay bari doorashadu dhacayso.

 

Qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan Xilka Gudoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee khudbadahooda maanta soo jeediyay ayaa sameeyay balanqaadyo ay sheegen inay ka dhabayn doonaan hadii nasiibku u saamaxo hanashada xilkaas.

 

Berrito ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamanka Labaad ee maamulka Galmudug, waxaana intaasi kadib loo gudbidoono doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here