DHAGAYSO:Abaanduulaha guud ee booliska oo shacabka ugu baaqay inay saraakiisha ammaanka la shaqeyaan

Taliyaha guud ee ciidamada booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa shacabka Kenyaanka ah ku booriyay inay si dhow ula shaqeyaan laamaha ammaanka si looga hor tago falalka wax u dhimi karo xasiloonida deegaanada kala duwan ee dalka.
Xilli uu shalay booqday ismaamulka Isiolo ayuu abaanduulaha booliska sheegay inuu xoogga saari doono sidii lagu xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeya dadweynaha iyo booliska.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Mr. Hillary uu sido kale kulan la qaatay taliyaasha sar sare ee booliska iyagoo dib u eegis ku sameeyay istaraatiijooyinka lagula tacaalo dhaca xoolaha iyo argagixisada.
Mr. Mutyambai ayaa tagay degmada Maralal ee ismaamulka Samburu isagoo ciidamada halkaasi ka howlgalo kula taliyay inaynan ku lug lahaanin falalka musuqmaasuqa oo ayna soo dhaweyaan shacabka doonaya inay u gudbiyaan warbixino la xariira amniga.
Waxaa uu sido kale tagay xarunta saldhigga booliska ee magaalada Isiolo ayaa hoosta ka xariiqay in guud ahaan dalka sare loo qaadi doono nidaamka bulshada ay mas’uuliyad isaga saarto ammaanka ee loo yaqaano community policing.

Socdaalka abaanduulaha guud ee booliska uu ku tagay dowlad deegaanka Isiolo ayaa yimid hal maalin un kaddib markii burcad ay xadka Isiolo iyo Samburu ku dishay 5 qof oo ay ka mid yihiin saddex boolis ah .
Qaar ka mid ah shacabka ku nool ismaamulka Isiolo ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan saamayna dhaca xoolaha ay ku yeelatay iyo tallaabada ay doonayaan in dowladdu ay qaaddo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here