DHAGAYSO:Barasaabka Nairobi oo ka hadlay musuqmaasuqa

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa sheegay inuu si weyn ula dagaalamayo musuqmaasuqa.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay inuu dhanka kale maamulka talada haya ee Jubilee ku taageerayo la tacaalidda falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Mike Sonko oo saaka marti ku ahaa idaacadda Milele ayaa carrabka ku dhuftay inuu soo magacaabi doono ku xigeenkiisa kaddib marka uu kulan la qaato madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ahna hoggaamiyaha xisbiga ay ka wada tirsanyihiin ee Jubilee.
Mr. Sonko ayaa eedeymo u jeediyay xafiiska hanti dhowraha guud ee dalka isagoo sheegay inaynan jirin lacag laga lunsaday ismaamulka uu hoggaamiyo
Waxaa uu sido kale carrabaabay in lagu dhaliilay saraakiil ka mid ahaa shaqaalaha Nairobi oo uu eryay hasa ahaate uunan marnaba ka daali doonin inuu shaqada ka ceyriyo qof musuqmaasuqa lala xariiriyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here