DHAGAYSO:Barasaabka Nairobi oo shaqaalaha deeggan guriyaha dowladda ka cafiyay deymo lagu yeeshay

Gudoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa dad badan oo deggan guriyaha maamulka hoose ee Nairobi ee loo yaqaano City Council ka cafiyay deymo badan oo lagu yeeshay oo la xariira kirada ay bixiyaan.
Mr. Sonko ayaa sheegay inuu tallaabadan qaaday si shaqaalaha dowladda hoose ee Nairobi ee guriyahaasi deggan aanan loo barakicin maadaama deymo badan lagu leeyahay.
Bishii hore ayay ahayd markii agaasimaha ismaamulka Nairobi u qaabilsan guriyeynta ,Marion Rono uu sheegay in maamulka hoose ee City Council ay lacag dhan 224 milyan oo shilin uga maqantahay deyn ahaan.
Mr. Sonko ayaa carrabka ku dhuftay in guud ahaan caasimadda dalka ay ku yaallan 16,000 oo ah guriyaha maamulka hoose ee magaala madaxda dalka.
Deymaha hadda uu dadkii lagu yeeshay ka cafiyay ayaan la bixin 6-dii sano ee ugu dambeeyay.

Mike Sonko ayaa sido kale ka soo horjeestay qorshaha dowladda ee ay musharaadka shaqaalaha ka dhimayso boqolkiiba 1.5 si lacagtani loogu adeegsado mashruuc la xariira guriyeynta waxaa uuna ballanqaaday inuu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta kala hadli doono culeyska ay dhaqangelinta arrinkan ku keenayso dadweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here