DHAGAYSO:Ciidamada ammaanka oo la sheegay inay will ku jirdileen Leheleey

Wararka naga soo gaaraya degmada Leheleey ee deegaanka Koonfurta Wajeer ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay dhaawacyo gaarsiiyeen mid kamid ah maamulayaasha baabuurta qaada alaabaha ama fidiya adeegga loo yaqaano Parcel-ka kaddib markii uu diiday inuu bixiyo lacag laga dalbaday.
Wiilka la jirdilay oo magaciisu lagu sheegay Ibrahim Kulow ayaa hadda ku jiro isbitaalka weyn ee ismaamulka Wajeer halka shacabka ay dalbanayaan in tallaabo laga qaado saraakiishii falkaasi geystay.
Qaar ka mid ah dadkii baabuurka la socday iyo goobjoogayaal ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen

Waxaa durbaba barta twitarka qabsaday cinwaan ah #Justice4Kulow oo loola jeedo waa inuu caddaalad helo dadka ka ra’yi dhiibtay waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee ismaamulka Isiolo Maxamad Guuleed oo ku magacdheer Simba waxaa uuna waaxda qaran ee adeegga booliska ugu baaqay inay dhacdadan xaqiijiso si maamulka kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA uu baaritaano ku guda galo.
Laamaha ammaanka ayaanan weli arrinkan ka hadlin, wixii ku soo kordho wararkayaga dambe ayaad ku maqli doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here