DHAGAYSO:Madaxweynaha dalka oo muslimiinta u diray hambalyo ku aaddan bisha Ramadaan

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in isagoo wakiil ka ah shacabka iyo dowladda Kenya uu dadka muslimiinta ah ugu hambalyaynayo bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo maanta koow ah.
Waxaa uu Mr. Kenyatta hoosta ka xariiqay in bishan ay tahay mid muhiimad gaar ah u leh muslimiinta sidaasi awgeedna la doonayo in fursad buuxda loo siiyo inay ka faaiideystaan.
Sido kale waxaa uu madaxweynaha sheegay inay astaan u tahay kala duwanaanshaha diimeed ee dalka ka jiro iyadoo dhanka kale si nabad ah loo wada noolyahay.
Muwaadiniinta muslimiinta ah ayuu Mr. Kenyatta ka codsaday inay dalka u duceyaan si uu Alle u fududeeyo xal u helidda caqabadaha jira.
Mr. Uhuru Kenyatta, madaxweynaha dalka ayaa si guud Kenyaanka ugu booriyay inay sii xoojiyaan midnimada iyo walaaltinimada ka dhexeysa.
Xalay fiidkii ayay ahayd markii qaadiga guud ee dalka Sheekh Sharif Axmed Muhdhar oo shir jaraaid qabtay uu sheegay in maanta oo isniin ah taarikhduna ay tahay 6-da bisha shanaad ee May ay billaabanayso bisha barakeysan ee Ramadaan sidaasi awgeedna dadka muslimiinta ah laga doonayo inay soomaan.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in bisha laga arkay degmada Hola oo ka tirsan ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta.
Sido waxaa uu ku baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah sido kalena muslimiinta ay isku naxariistaan.
Hay’adaha dowladda gaar ahaan kuwa ammaanka ayuu ka codsaday inay shacabka muslimiinta ah u fududeyaan inay cibaadeystaan.
Sido kale Sheekh Cali Guure oo ka mid ah culimada ismaamulka Garissa oo la soo xariiray idaacadda Star FM ayaa sheegay in bisha ramadaan sido kale laga arkay Xuluuqo oo ka tirsan deegaanka Ijara ee dowlad deegaanka Garissa

TV-ga Al Carabiya ee Sacuudiga ayaa sheegay in xarunta falagga ee Sacuudiga ay ku dhawaaqday warka ku saabsan in bisha Ramadaan ee barakaysnayd la arkay shalay galab.
Dalalka Kuwait iyo Ciraaq ayaa sido kale ku dhawaaqay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Barakaysan ee Ramadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here