DHAGAYSO:Shacabka Masalani oo caawimaad codsanaya kaddib duufaan halkaasi ku dhufatay

Waxay cabasho ka soo yeereysa shacabka ku nool degmada Masalani ee deegaan baarlamaneedka Ijara ee ismaamulka Garissa kaddib duufaan halkaasi ku dhufatay oo ay saameyn ka dhalatay.
Mid ka mid ah shacabka degmadaasi oo la soo xariiray idaacadda Star FM ayaa faahfaahinaya khasaaraha duufaantaasi iyo baaqa ay u jeedinayaan dowladda ismaamulka, midda dhexe iyo hay’adaha samafalka

Dhanka kale barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook-ga waxaa uu ku sheegay in lagu wargeliyay duufaanta Masalani laga soo tabiyay.
Waxaa qoraalka guddoomiyaha qeyb ka ah in ilaa iyo hadda aynan jirin cid ku dhimatay dhacdadaasi balse khasaaro uu soo gaaray guriyo iyo dugsiyo.
Warbixinada hordhaca ah ayaa sheegaya in dugsiyo, isbitaalo iyo guriyo la deggan yahay ay saqafyada ka buubeen.
Cali Bunow Qorane , barasaabka Garissa ayaa intaais ku daray in Masalani uu u diray koox ka mid ah maamulkiisa iyo saraakii la tirsan waaxda qaabilsan barnaamijyada gaarka ah si ay qiimeyn u soo sameyaan kaddibna loo guda galo tallaabooyinka dhacdadaasi iyo saameynta ay dadweynaha ku reebtay wax looga qabanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here