DHAGAYSO:Shaqaalaha dowlada soomaaliya oo maanta Fasax ah.

Kowda Bisha May oo maanta ku beegan ayaa guud ahaan waxaa la Fasaxay shaqaalaha dowlada Soomaaliya waxaana loo sheegay inay maanta shaqooyinkooda ka Nastaan si ay waqti ula qaataan qoysaskooda.
Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay maanta guud ahaanba Fasax yihiin shaqaalaha dowlada.
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay inay sanadkaan Xoogga Saarayaan sidii ay shaqo abuur ugu samayn la ahaayeen dhalinayrada Soomaaliyeed ee dalkooda hooyo gudihiisa ay shaqo la’aantu ku haysato.
Wasiirka ayaa sheegay inay qorshaha shaqao abuurka dhalinyarada ay uga gool leeyihiin sidii ay ku yarayn lahaayeen dhalinyarada wax Baratay balse aan shaqooyinka haysan wuxuuna Hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha aduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here