DHAGAYSO:Taliska ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo ka hadlay howlgalada ay ciidamadu wadan.

Taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Faahfaahin wuxuu ka bixiyay Saldhiga Ciidanka ee dowlada Turkigu ay ku leedaha magaalada Muqdisho iyo howlgaladii ugu danbeeyay ee ciidamada amaanku ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya.
Sareeye Gaas Daahir Adan Cilmi Indho Qarshe Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan dowlada Turkigu Wax Saldhig ah ku lahayn Magaalada Mqudisho balse Xarunta TurkSom ee magaalada Mqudisho ay tahay Kuliyada lagu Tababaro ciidamada dowlada Soomaaliyeed,wuxuu intaasi Raaciyay inuu isagu Saxiixay Heshiis Shan Sano ah kadibna ciidanka dowlada Soomaaliyeed ay gacanta u soo galin doonto Xaruntaas lagu Tababarayo Ciidamada ee hada ay dowlada Turkigu Gacanta ku hayso.

Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Daahir Adan Cilmi Indho Qarshe ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay howlgalada ay wadaan ciidamada qalabka Sida ee dowlada Soomaaliya,wuxuuna Tilmaamay in ciidamadu ay si joogta ah u sameeyeen holwgalada ka dhan ka ah dagaalameyaasha AL-shabaab isagoo dhanka kale xusay in hada Al-shabaab ku soo hareen degmooyin kooban oo magaalooyinka waa weyn ee dalka laga saaray ayna wadaan qorshe deegaanada ay wali maamulaan looga saarayo.

Taliyaha ayaa xili uu la hadlayay warbaahinta maxaliga ah ee gudaha Soomaaliya wuxuu dhanka kale ka hadlay ciidamada isku dhaca isagoo sheegay inay caqabadaasi jirta sidoo kalena ay horay amaro uga soo saareen Balse aysan amaradaasi dhaqan galin maadaama sababta uu ku sheegay in ciidamada qaarkood oo hubaysan ay ka imaadaan gobolada kale ee dalka Soomaaliya ayna soo galaan magaalada Muqdisho taasinay ay keento inay ciidamadu isku dhacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here