DHAGAYSO:Xoghayaha COTU oo dalbaday in la kala diro guddiga SRC

122

Xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideysanyihiin ururada shaqaalaha ee dalka ee COTU Mr. Francis Atwoli ayaa ku baaqay in la kala diro guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC.
Waxaa uu ku doodaya in guddigan uunan sida habboon ugu adeegin shaqaalaha Kenyaanka ah.
Mr. Atwoli ayaa intaasi ku daray in guddigu laga doonayo inuu bixiyo talasiin dhanka musharaadka ah balse sida uu hadalka u dhigay SRC ay isku bedeshay mid xaddida lacagaha howlwadeenada kala duwan la siiyo.
Xildhibaanada baarlamaanka ayuu ugu baaqay inay gacan ka geystaan sidii loo kala diri lahaa xubnaha guddiga SRC.

Waxaa uu tusaale u soo qaatay dhacdo barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko uu isku dayay inuu mushaar kordhin u sameeyo shaqaalaha taasi oo SRC ay ka soo horjeesatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here