Dhageeyso:Dubat Cali Camey oo si adag uga hadlay qaybsashada dakhliga

Dubat Cali Camey oo ka mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari sido kalena ah guddoomiyaha golaha suuqgaynta xoolaha nool ee dalka ayaa dareenkiisa ku biiriyay nidaamka ismaamullada ay ku qaybsanayaan dakhliga ee muranka dhaliyay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dastuurka dalka uu dhigaya in horumar siman laga sameeyo deegaanada wadanka sido kalena cidna aynan isu arag inay dadka kale ka xuquuq badan tahay.
Sido kale waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xal kama dambeys ah laga gaari doono nidaamka saddexaad ee senetarrada ay ku kala qaybsameen .

Hannaankan ayaa qeexaya in ismaamullada ay dhaqaalaha ku qaybsadaan tirada dadweynaha ee ku nool deegaanadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here