Dhageeyso:Galmudug oo ku dhawaaqday howlgal ka dhan ah Al-shababa.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cali Daahir Ciid oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Amniga Galmudug & Saraakiisha Ciidamada qeybta 21aad ee Xoogga dalka ayaa waxay xalay ku hoydeen degaanka Bulacle oo hoos taga Degmada Ceelbuur, ee gobolka Galgaduud halkaasoo kamid ah degaannada ay ku xoogan yihiin Dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay inuu bilaawday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ee looga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin degmooyinka Maamul goboleedka Galmudug.
Waxaa uu sheegay in dhamaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaannada Galmudug iyo Ciidamada Maamulkaba ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalalda si ay Al-Shabaab kaga saaraan deegaannada ay dadka ku dhibaateeyaan sida uu hadalka u dhigay isagoo xusay in Saaxiibada Soomaaliya ay dagaalkaan dhanka hawada kaga qayb qaadan doonaan ama diyaaradaha wax duqeeya.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in degaanka Bulacle ay u tageen sidii loo bilaabi lahaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab si looga saaro degaananda ay weli u sugan yihiin.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab aysan awood weyn ku laheyn degaannada Galmudug,hayeeshee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan dhibaatooyinka ay geysanayaan.
Isagoo Tilmaamay in dagaal shalay ka dahcay deegaan duleedka ah ah Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug khasaare lagu gaarsiiyay Xubnihii shabaabka ee Weerarka soo qaaday

Shalay ayaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay weerareen degaanka Shabeellow oo 25km Bari kaga beegan degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay dadka degaanka oo hubka qaatay iyo Al-Shabaab walow markii dambe ay dagaalka ku biireen Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here