Dhageeyso:Hogaamiyeyssha Maamulada Jubaland iyo Puntland oo war-murtiyadeed ka soo saaray Shir garowe uga socday

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa War-murtiyeed ka soo saaray Shirkii Garoowe uga socday maalmihii la soo dhaafay, waxayna sheegeen inay Kulan looga hadlayo arimaha doorashada Madaxda dowlada dhexe kula yeelan doonaan Magaalada Muqdisho
War-Saxaafadeedka ka soo baxay shirkii Magaalada Garowe ayay ku sheegeen inay intii u shirarku socday ay wada-hadallo dhinaca taleefoonka ah la yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada, isla markaana ay ka wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa Arrimaha siyaasadeed ee dalka Soomalaiya gaar ahaan marxalada Kala Guurka ah.
Waxaay sheegeen in shir wadatashi ah ay Magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda Dowladda Federaalka & Maamulada Xubnaha ka ah si looga wadatashado xalka gaarista arrimaha la xiriira doorashooyinka Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland ayaa war-saxaafadeedka ka soo baxay shirkii Garowe warbaahinta u aqriyay.

Madaxweynah Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa sheegay in Shirkii Garoowe guul ku soo dhamaaday ayna rajeynayaan in kulamada ay Muqdisho kula yeelan doono madaxda dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada ay guul ku dhamaadaan,shirka Muqdishana uu noqon doono mid intaasa badan Tanaasul noqon doona.

Ugu dambeyn Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland waxaa ay ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho, lana ilaaliyo wadajirka, Amniga iyo xasiloonida dalka, iyaga oo u mahad celiyay Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here