Dhageeyso:Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukuno iyo Ganaax ku riday Masuuliyiin dowlada K tirsan

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa markale waxaay Maanta xukuno isugu jira xarig iyo ganaax lacageed ku riday Masuuliyiin u shaqeeya dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dadka la xukumay ayaa ahaa Xubno dowladda Soomaaliya oo u xirnaa eedaymo la xiriira musuq maasuq iyo xatooyo Xoolo dadweyne,
Dadkaan oo maxkamadeyntoodu soo martay heerar kala duwa ayaa waxay kala yihiin 1 Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Qeyraadka Soomaaliya Guuleed Maxamed Ibraahim waxayna Maxkamaddu ku xukuntay 10 sano oo xarig ah, ganaax lacageed oo gaaraya 2,366 dollar iyo inuu qasnadda dowladda ku celiyo $137,907 dollar waxaana laga reebay inuu ka shaqeeyo xafiis dadweyne.
2 Milkilaha Shirkadda Maamuus Generaal Cintarcting and Service iyo Madaxa Hubinta Commitmentab Control ee Xafiiska Xissaabiyaha Guud Ee dowladda Cali Sheekhdoon Cabdi waxaa iyagana lagu xukumay 9 Sano oo Xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 3,549 dollar iyo inay qasnadda dowladda u ku celiyo $58,505 dollar, ganaaxa waxaa wehliya ka reebid xafiis dadweyne.
3 Aweys Xasan Cumar xisaabiye ka tirsan waaxda Wasaaradda Warfaafinta waxaa lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed $1,183 dollar.
4 Khadar Aweys Xasan Maamulka Shirkadda Alxabiib Business Centre waxaa lagu xukumay Saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1183 dollar, waxaana dhamaan mas’uuliyiinta la xukumay ay Maxkamaddu sheegtay inuu u furan yahay racfaan ku siman muddo 30 maalmood ah.

24-kii Bishaan ayay aheyd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay xukuno isugu jira Xabsi iyo Ganaax lacageed ku riday Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka kuwaasoo lagu helay fal la xiriira lunsasho hanti dadweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here