Dhageeyso:Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo sheegay in shacabka lagu dhibaateeyo degmada Kaaraan.

Taliyaha qeybta Bari ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir ay ka jiraan falal amni darro,oo ay geystaan rag hubeysan oo qaarkod ay yihiin maleeshiyaad Hubaysan.
Waxaa uu sheegay in Rag ku labisan Dareeska Ciidanka oo kala dhiman iyo Dhar Shacab oo caadi ah ay falal amni darro ka geysanayaan,isla markaana dhacdooyin xanuun badan oo dil uu ka mid yahay ay geystaan kooxahaasi
Taliyaha ayaa sheegay in Amni xumadda Degmadda Kaaraan ay mareyso heer Jawaan la is galiyo ka dibna Bac la isku dhalaaliyo sida uu taliyuhu cadeeya,waxaa dhibkaas geysanaya ay yihiin rag wata dareeska ciidanka oo kala dhiman iyo dhar shacab.
Taliyaha qeybta Bari ee Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ugu baaqay Shacabka ku nool degmada Kaaraan inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga,isla markaana la haayo kiisas badan oo la xiriira dilal iyo dhac ay geysteen rag hubeysan ee degmadaasi dhibaatooyinka ka gaysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here