DHAGEYAO:Xildhibaanada Cusub ee galmudug oo Baaq loo diray

Sanoter Yuusuf Geelle Ugaas oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare ee Soomaaliya deegaan doorashadiisuna tahay Galmudug ayaa Xildhibaanada Cusub ee maamulka Galmudug wuxuu kaga digey inay doortaan Siyaasi mucaarad ku ah aan Dowladda la shaqayn Karin.
Senator-ka oo haada ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Galmudug dib u dhac badan uu ka jiro,isla markaana Xildhibaannada Aqalka Sare laga soo doortay aysan fursad u helin sidii ay uga Shaqayn lahaayeen shacabkooda maadaama maamulkii halkaas ka jiray uusan ahayn mid ay wada shaqayn wanaagsan kala dhexaxay dowlada fedraalka Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waqti badan geliyaan sidii lagu heli lahaa Galmudug mideysan oo la Shaqeeysa dowladda,isla markaana ay iyaga fursad u heleen inay ka Shaqeeyaan deegaanada laga soo doortay.
Ugu dambeyntii Sanoter Yuusuf Geelle Ugaas waxa uu xusay in haatan Galmudug ay joogto meel wanaagsan,isagoo Xildhibaannada Galmudug ugu baaqay inaysan dooran sida uu yiri Siyaasi mucaarad ah,oo ay doortaan Madaxweyne dowladda la Shaqeyn kara si deegaanada maamulkaas Hormar loo gaadhsiiyo.

Sanoter Yuusuf Geelle Ugaas ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad uu xalay Magaalada dhuusamareeb ku qabsaday mid kamid ah musharixiinta Gudoonka Baarlamaanka Galmudug u taagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here