DHAGEYO:Ciidanka amaanka Soomaaliya oo sheegay inay qabteen dooni miinooyin lagu siday

Ciidanka Nabad sugida Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dooni qaraxyo ah oo dagalameyaasha AL-shabaab doonayeen inay ka gudbiyaan wabiga aaga deegaanka Yoontoy iyo Buulo-gaduud ee gobolka Jubada Hoose.
Warka ka soo baxay saraakiisha NISA ee Jubaland ayaa lagu sheegay inay hayeen warbixinta ku saabsan inay shabaabku doonayaan isku gudbinta miinooyinka sidoo kalena ay ciidanku weerar ku qaaden halkii ay ku sugnaayeen Gacantana lagu dhigay Miinooyinkaasi.
Wararka ayaa intaas ku daraya inuu dagaal kooban dhexmaray ciidanka Jubaland iyo xubnaha Shabaabka ee miinooyinka waday wallow ay hay’adaha amaanka Maamulka Jubaland sheegeen inaysan wax qasaare ah dhankooda soo gaarin.
Gaashaanle dhexe Ismaaciil faarax Raage oo ka tirsan saraakiisha Nise ee deegaanada Maamulka Jubaland ee howlgalkaas hogaaminaysay ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigeen miinooyinkaas ay wateen xubnaha shabaabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here