DHAGEYS0:Wasiirka maaliyadda oo maanta baarlamaanka u gudbinayo miisaaniyadda qaran

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Mr. Henry Rotich ayaa galinka dambe ee maanta la filayaa inuu baarlamaanka ka hor akhriyo miisaaniyad sannadeedka 2019-2020-ka.
Miisaaniyad sannadeedka uu soo bandhigayo ayaa qiimo ahaan gaaraya 3.02tiriiliyoon oo shilin.
Dhaqaalahan ayaa boqolkiiba 4.2 ka hooseeya midkii sannadkii hore ee ahaa 3.07 tiriiliyoon.
Waxaa la filayaa in canshuur dheeraad ah la saaro Kenyaanka si dhaqaalaha soo xaroodo loogu maalgeliyo fulinta mashaariicda waweyn ee dowladda iyo bixinta deymaha shisheeye  Qaar ka mid ah shacabka dalka ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan waxyaabaha ay rajeynayaan in wasaaradda maaliyadda ay mudnaanta koobaad ku siiso miisaaniyadda maanta shaaca laga qaadayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here