Dhageys:Gabar dhiganaysay fasalka 6-aad ee dugsiga hoose oo toorey ku dishay saaxibkeeda

Booliska ayaa gacanta ku haya gabar 15 sano jir ah kadib markii sida la sheegay ay toorey ku dishay wiil 19 jir ah oo ay saaxiibo ahaayeen .
Dhacdan ayaa waxaa ay ka dhacday xaafada Langata ee magaaladatan Nairobi.
Gabadha dilkan gaystay ayaa ahayd fasalka 6 ee dugsiga hoose dhaxe halka wiilkana uu ahaa fasalka labaad ee dugsiga sare .
Hooyada dhashay gabadhan dishay wiilka uu jacaylka kala dhaxeeyay ayaa sheegtay inaysan wali aaminsaneyn in gabadheeda ay dil gaysato.
Dadka dariska la ahaa gabadhaas oo warbaahinta uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen ayaa waxaa ay sheegeen in gabadha ay wiilka ku booqaday gurigooda.
Waxaa ayna sheegeen inuu muran dhexmaray ka hor inta aysan mindi wadnaha ka galin.
Wiilka ayaa waxaa uu geeriyooday xili loo waday isbitaalka isagoona u dhintay dhiig bax.
Markuu dhintay ka dib baaritaano ay ku sameeyeen dhaqaatiirta waxaa ay sheegeen in xita aan la badbaadin lahayn hadii uu noolaan lahaa maadaama ay sheegeen in wadnaha ay mindida kala jartay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here